Deeq A. Posted February 20, 2020 Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Wadajir oo hoos yimaada degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo. Mareykanka ayaa sheegay in isagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka Gedo. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen sadex xubnood oo kamid ah Al-shabaab,sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka. Qoraalka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halka ay duqeynta ka dhacday. Mareykanka ayaa dhawaanahan sare u qaaday dagaalka uu kula jiro Al-Shababa, gaar ahaan duqeymaha dhanka cirka ah uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites