Deeq A. Posted February 20, 2020 Sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii laba toogasho ay ka dhacday magaalo ku taala galbeedka dalka Jarmalka. Sidoo kale ugu yaraan shan ruux ayaa weeraradani ku dhaawacantay sida ay boolisku sheegeen. Toogashada koowaad ayaa lagu soo warramay in ay ka dhacday baar ku yaalo bartamaha magaalada halka tan kalana ay ka dhacday meel aanan sidaas uga fogeen. Booliska ayaa sheegaya in ay wadaan baaritaano ku adaan kooxdii weerarka ka danbeesay oo ay la sheegay in ay goobta iskaga baxadeen. Sidoo kale waxaanan wali caddayn waxa ku kalifay kooxdani in ay weeraradan gaystaan. PUNTLAND POST The post Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Jarmalka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites