Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland oo fashilisay qarax lagu aasay gudaha Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax.jpg?w=1000&ssl=1Qaraxa la fashiliyay

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa fashilisay qarax lagu aasay xaafad ka tirsan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayay ku sheegtay in ay fashilisay qarax miino oo lagu aasay wadada gasha xaafadda Madiina ee magaalada Kismaayo kaasi oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xaafadda qaraxaasi lagu aasay ay deggan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo waxaana hay’addu qaraxa ku eedaysay in ay ka dambeeyeen malayshiyaadka Al-shabaab.

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa Miinada goor dhow ka soo saaray wadada gashay xaafada Madiina, ee magaalada Kismaayo taa oo ay dagan yihiin dadka Barakacayaasha”  ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Nabad Sugidda Jubaland oo fashilisay qarax lagu aasay gudaha Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this