Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DFS oo hareereeyay gaari looga shakiyey qarax

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka hareereeyay gaari looga shakiyey qarax oo lasoo dhigay wadada Maka Al Mukarama.

Baabuurka ayaa lasoo dhigay nawaaxiga xarunta Hay’adda Socdaalka oo ku dhow isgoyska Shaqaalaha ee magaaladda Muqdisho.

Isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa muddo kooban hakad uu ku yimid, wallow kolkii dambe ay xaaladu caadi kusoo noqotay.

Tiro dhowr jeer ayay siddaan oo kale u dhacday in ciidamaddu au hareeyaan gaari looga shakiyey qarax, wallow kolkii dambe laga waayey.

Maalmihii lasoo dhaafay, hay’addaha ammaanka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyadda magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this