Deeq A. Posted February 20, 2020 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in dowladdii kacaanka ku sax-saneyd duulaankii gobolada waqooyi. Mr Yuusuf ayaa ku eedeeyay jabhadda SNM in ay taageereysay olihii kala qeybinta Soomaaliya ee dowladaha shisheeye gedaal ka riixayeen. Isagoo la hadlay Telefishinka Shabelle, wuxuu daboolka ka qaadey in sidoo kale ay qalad ahayd raalligelintii uu bixiyey madaxweyne Farmaajo. SMN ayuu carabka ku dhuftay in ay dhankooda mas’uul ka ahaayeen dhimashadda iyo barakaca boqolaal kale oo Soomaaliyeed, sidda uu hadalka u dhigay. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Biixi uu soo dhaweeyay cudurdaarka madaxweynaha Soomaaliya, balse uu ka diidey in uu ka dego Hargeysa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites