Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar dhimasho sababay ka fulisay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha waddanka Kenya gaar ahaan gobolka Mandera.

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii ay dableydu rasaas ku furtay gaari bas ah oo kusii jeeday Nairobi.

Dadka dhintay ayaa ah shacab, sidda uu taliska booliska ku sheegay war-saxaafadeed aan tafaasiil dheeri ah aan lagu bixin.

Baska la beegsaday waxaa iska leh Moyaale Raha, oo kamid ah shirkaddaha gaadiidka basaska ee waddanka Kenya ugu caansan.

Wali ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab ay falkaas kasoo saartay.

Bilooyinkii lasoo dhaafay Kenya waxaa ka dhacayay weeraro noocaan ah oo ay dusha saartay mas’uuliyadooda Al-Shabaab oo guulo ka faafisay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this