Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DANAB iyo Daraawiishta Jubaland oo hawlgal ballaaran ka fuliyay Jubada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB oo ay weheliyaan Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay degaano hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hawlgalkaas hoggaaminaysa ayaalaga soo xigtay in ay ka gudbeen Ciidamada Webiga Jubba isla markaana ay gaareen degaano dhowr ah iyaga oo howlgalkooda ku doonaya in ay Al-Shabaab kala wareegaan dhulka ay kaga sugan yihiin  gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in Ciidankoodu ay gaareen tuulooyin ka tirsan  degmadaJamaamme gaar ahaan dhinaca wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka sameeyeen degaannada Koban Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka Webiga dhaca.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay howlgalkaas ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab sidoo kalena Miinooyin badan oo dhulka lagu aasay ay ciidanku soo saareen.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka DANAB iyo Daraawiishta Jubaland oo hawlgal ballaaran ka fuliyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this