Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo boqolaal shacab reer Gedo ah ku celisay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal kamid ah shacabka gobalka Gedo ayaa ku xayiran magaalada Muqdisho, kuwaas oo Muqdisho usoo doontay Caafimaad iyo adeegyo kale.

Dhowr qof oo kamid ah bulshada halkaan ku xayiran oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo diiday in ay dib ugu laabtaan degaankooda, waxayna sababta ku sheegeen in uu sameeyay khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland u dhaxeeyo

Nabadoon Maxamed Aadan Xasan, oo ka tirsan waxgaradka gobalka Gedo ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo boqolaal kale oo ka yimid Gedo ay shirkadaha duulimaadka u sheegeen in aysan celin karin ayna tahay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

“Aniga waxaan Muqdisho u imid caafimaad, waxaana isla joognaa dad kale oo ay ku jiraan dumar fool loo keenay iyo kuwa kale oo xanuunsan, dhamaanteen waan weynay diyaarad aan raacno waxaana naga joojisay dowladda,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Aadan.

“Waxaan dalbaneynaa in dowladda noo ogolaato in aan dib ugu laabano degaankayna, sababtoo ah siyaasad kuma jirno, waxaa ka soo taganay Xoolo iyo beero, waxbaa naga dayacan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoon Maxamed Aadan Xasan oo la hadlay Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobalka Gedo ku soo rogtay cuna-qabatayn dhanka duulimaadka ah, waxaana hore looga joojiyay diyaarad ay saarnaayeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gobalka laga soo doortay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this