Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo talo muhiim ah loo soo jeediyey kadib weeraradii Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa talo u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo, kadib weerarradii ay Al-Shabaab shalay ka geysteen goobo dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu Madaxweyane Farmaajo uga dalbaday in uu booqdo goobihii lagu weeraray ciidamada dowladda, maadaama uu yahay Taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya.

“Madaxweyne Farmaajo maadama taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida uu yahay dastuuriyan, waxaa laga codsanayaa In uu booqdo jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Kooxaha Argagixisadu ay maanta weerareen sida Qoryooley iyo Ceel Saliini”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa wax aan suurta gal aheyn ku tilmaamay in ciidamadii joogay Madaxweynaha hortiis ay maanta Al-Shabaab laayaan gurmad la’aan darteed.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyay in ciidamadii la tababaray intii uu talada hayey uu ku heysto madaxtooyada.

“Suurtagal ma ahan in ciidamadii joogay markii talada uu qabtey in gurmad la’aan cadowga loo loogo, kuwa cusub ee uu tababartayna uu madaxtooyada ku heysto”ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this