Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad ka shaqeysa Forex oo la baxsatay lacago badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Shirkad magaceedu yahay Forex 252 ayaa lagu waramayaa in ay ka baxsadeen xubnihii lahaa lacago fara badan.

Lacagta oo boqolaal kun oo Doolar-ka Mareykanka ah gaareysa ayaa la tilmaamay in ay lahaayeen dad shacab ah oo maalgeshtay.

Sidda ay wararku sheegayaan, shirkadda ayaa dhisme ku lahayd KM4 gaar ahaan Huteelka caanka ah ee lagu magacaabo Giyaajo.

Wariye ka tirsan Shabelle oo tegay goobta ay deganeyd shirkadda ayaa kusoo arkay dad farab oo ka cabanaya arrintaas.

Qaar kamid ah dadka oo walwal badan uu ka muuqdey ayaa tibaaxay in lacagta ay dhigteen ay ugu yareyd kun Doolar oo ay dheer tahay diiwaan gelinta oo saddex oo Doolarka Mareykanka ah.

Maamulka degmadda Hodan oo dadkaas la hadlay ayaa balamiyey in ay berri yimaadaan xarunta si looga diiwaan-geliyo cabashooda.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/DGF.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this