Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Shuute oo dhaliilay xabsiyada waddanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda Soomaaliya, ayaa aad u dhaliilay xaaladda xabsiyada dalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu dhaariyey ciidamo cusub oo Asluubta kusoo biiray, Shuute ayaa ku baaqay in wax laga bedelo arrimaha jira.

Arrimaha uu farta ku fiiqay waxaa kamid ah in ay jiraan maxaabiis aalado casri ah ku dhex-isticmaala gudaha qaar kamid ah jeelasha waddanka.

Gudoomiye Shuute ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in isbedel ay sameyn doonan ciidamadda cusub ee ku biiray Asluubta.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan lasoo wariyey maxaabiis la sheegay in ay ka baxsadeen mid kamid ah xabsiyadda ku yaala Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this