Deeq A. Posted February 19, 2020 Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda Soomaaliya, ayaa aad u dhaliilay xaaladda xabsiyada dalka. Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu dhaariyey ciidamo cusub oo Asluubta kusoo biiray, Shuute ayaa ku baaqay in wax laga bedelo arrimaha jira. Arrimaha uu farta ku fiiqay waxaa kamid ah in ay jiraan maxaabiis aalado casri ah ku dhex-isticmaala gudaha qaar kamid ah jeelasha waddanka. Gudoomiye Shuute ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in isbedel ay sameyn doonan ciidamadda cusub ee ku biiray Asluubta. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan lasoo wariyey maxaabiis la sheegay in ay ka baxsadeen mid kamid ah xabsiyadda ku yaala Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites