Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xukuumadda oo u guureysa xarun cusub iyo R/W Kheyre oo booqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib u dhis ballaaran.

Mudane; Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib u dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha.

Kheyre ayaa kula dardaarmay howl-wadeennada in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan, si loogu guuleysto in ay xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

Guriga xukuumadda ayaa noqoqeyna xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo xarun dhexe oo ay xukuumaddu ku shaqeyso.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo dayactirkiisa uu geba-gebo marayo.

Booqasho6-1.jpg Booqasho4.jpg Booqasho7.jpg Booqasho5.jpg Booqasho1.jpg Booqasho2.jpg Booqasho3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this