Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Hawlgal ballaaran oo ka dhana Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Federaalka.jpg?w=1000&ssl=1

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Shir ku saabsan isu diyaarinta howl-gallo ballaaran oo ka dhana Al-shabaab kaasi oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa shirka ku weheliyay wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha la sheegay in uu dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ku amray  in ay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab si looga xoreeyo degaannada ay dalka kaga sugan yihiin.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada laga saaro Al-shabaab.

Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha xoreynta degaannada ay Al-shabaab maamulaan iyo hir-gelinta adeegyada bulshada ee dhulkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Hawlgal ballaaran oo ka dhana Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this