Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey weeraradii Al-Shabaab ay ku qaadeen Ceel-Saliini iyo Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimadda Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saakay aroortii Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelaha hoose.

Al- Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilawday waxa ay ku qaadeen degmada Qoryooleey, waxaana markaas wixii ka dambeeyay degmadaasi ka bilawday dagaal fool ka fool ah oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxeeyay, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaasi uu qaaatay saacado.

Ciidamada AMISOM ayaa soo galay dagaalka oo caawimaad ka geystay in Shabaabka laga caabiyey weerarka Qoryooley kadib markii qof is-miidaamiyey uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku dhuftay buundo tagta saldhigga.

“Argagixisada waxay soo weerareen saldhigyada Qoryooley iyo Ceel-Saliini, hase yeeshee wiilasheenna geesiyaasha ah ayaa iska caabiyey, khasaare xooggan ayaa gaaray Shabaabka, waxaana hadda si buuxda saldhigyada gacanta ugu haya ciidanka,” waxaa sidaas yiri Maxamed Aadan oo ah taliye ka tirsan militariga.

Dagaalka Qoryooley ayaa la rumeysan yahay in jab weyn lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha Soomaaliya waxay sheegtaan inay kooxdan ka dileen ku dhowaad 40 qof.

Dhinaca kale Al-Shabaab waxa ay ka hor weerarka Qoryooley weerareen degaanka Ceel-Saliini, halkaasi oo sida aan xogta ku helnay ay waqti kooban qabsadeen ka hor inta aan laga sarain.

Shabaabka waxay sheegteen in ciidankii halkaasi ku sugnaa ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad hub.

Al-Shabaab ayaa sidoo sheegatay inay dagaalkaas ciidamada dowladda uga dishay ilaa 40 askari, inkastoo aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijisay.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan, ma jirto war cid si madax banaan u xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay weerarada lagu kala qaaday degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan bartilmaameydsato goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this