Deeq A. Posted February 19, 2020 Wararka laga helayo gobolka Mandera ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas. Warbaahinta Maxalliga ah iyo dadka degaanku ayaa laga soo xigtay in maleeshiyo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen baabuurka oo u socday magaalada Nairobi. Wararka hordhaca ah oo halkaas laga helayo waxay sheegayaan in uu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen maleeshiyada weerartay baabuurkaas baska ah. Warbaahinta dalka Kenya ayaa werinaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan saddex qof, islamarkaana lagu dhaawacay shan kale. Baska la weeraray ayaa waxaa iska leh shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, waxaana uu ka mid yahay basaska ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee iskaga kala gooshaya gobollada Kenya. PUNTLAND POST The post Bas u socday Nairobi oo lagu weeraray Mandera appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites