Deeq A. Posted February 19, 2020 Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya ayaa kulan la qaatay ergeyga IGAD ee arimaha Soomaliya, Maxamed Cali Guyo iyo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya. Francisco Maderia. Kulanka dhexmaray mas’uuliyiintaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladda amni ee gobolka. Sidoo kale kulankan inta uu socday wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa boggaadiyay taageerada IGAD ee ku aadan horumar laga sameeyo dhinaca ammaanka ee Soomaaliya iyo geeska Africa. IGAD iyo AMISOM ayaa dhanka kale isku soo qaaday doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya iyo qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee daba socda qaraarkii golaha ammaanka ee QM iyo sida AMISOM ay ugu diyaar garoobeen. Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre oo ugu hambalyeeyey xilka xoghayaha cusub ee ururkaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites