Deeq A. Posted February 19, 2020 Wasir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, Dr; Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka. Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa looga dooday hannaanka faderaaleynta, maaliyadda, awood qeybsiga, nidaamka caddaaladda iyo amniga, maqaamka Muqdisho, kheyraad-wadaaga, nooca qaab-dhismeedka Dowladda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah dhameystirka Dastuurka. Wasiir Ku-xigeenka ayaa u mahad celiyay wasaaradaha, hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka qayb qaatay 18-kii Cisho ee ay socdeen kulamo-howleedyada, isagoo si ah u dul istaagan kaalinkii ay ku lahayd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan qaban-qaabada banbax-howleed ay yeelan doonaan Golaha Wasiirrada, iyada oo la horgeeyn doono arrimihii laga shaqeeyay intii ay socdeen kulamadan. Wasaaradda Dastuurka ayaa lagu wadaa in Sanadkan gudahiisa ay dhameystirto dib u eegista Dastuurka, iyada oo xoojineysa wada shaqeynta kala dhaxeeysa dhamaan Guddiyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda ee ku lugta leh arrimaha Dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites