Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkii Ceel-Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa iyo dagaal xigay oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Shabheelaha Hoose.

Saraakiishaan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaan ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in iyagoo ku jira feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidamada oo ka feejignaa weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi  oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa  lagu gaarsiiyay halkaasi”. ayaa lagu yiro qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

Dhanka ka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi dagaalyahanadooda ay ku dileen  41 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in gabi ahaan ay gubeen gawaaridii dagaalka ee tiilay saldhigga, kuwaas oo gaarayey illaa 6 baabuur.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, marka laga tago sheegashada guulaha ee labada dhinaca.

Xaaladda deegaanka Ceel-Saliini ayaa hadda degan, waxaana weli gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaq ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this