Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Xasan Jaamici Oo Beeniyay In Uu Ku Dhaawacmay Weerarkii Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay wararka sheegaya in gaashaanluhu uu ku dhaawacmay weerarkii Al shabaab saakay ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose.

Xasan Jaamici ayaa yiri “Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah waxba ima gaarin wax dhibaata ah ma qabo waan fiicanahay”

Dhinaca kale Gashaanlahan ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxyadii iyo weerarkii saakay ay ku geeriyoodeen 4 askari isga ogaantiisa, waxa unna tilmaamay in haatan ay xaaladdu degantahay.

Ugu dambeyn Xasan Jaamici taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka xoogga ayaa sheegay in haatan deegaanka ay gacanta ku hayaan islamarkaana ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al shabaab.

Saakay aroortii ayaa Al shabaab waxa ay weerar ku bilawday qaraxyo ka geysteen deegaanka Ceel Saliini iyo degmada Qoryooleey oo kawada tirsan gobalka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this