Deeq A. Posted February 19, 2020 Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed. Hindise sharciyeedyada ay meel mariyeen mudanayaasha aqalka hoose ayaa waxa ay kala yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee heer federal, hindise sharciyeedka duulista rayidka, hindise sharciyeedka jaan-goynta iyo tayo dhowrka dalka, hindise sharciyeedka tirakoobka qaranka, hindise sharciyeedka xeerka warbaahinta, hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada, hindise sharciyeedka dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasada dalka. Halkan ka akhriso: Hindise sharciyeedyadan ayaa waxa ay sharci rasmi ah noqon doonaan marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites