Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab, aayaa la sheegay in ay weerar arbushaad ah ku qaadeen, degaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay Saraakiisha ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya, in  Kooxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay degaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose, kadib markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Saraakiisha ayaa sheegay, in ciidamada  oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ka hortageen isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaaday Alshabaab, balse khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhinaca kale, wakaaladda SONNA waxay ku warrantay in Miltariga dowladda Soomaaliya, ay howlgallo ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Qoryooley, islamarkaana ku qabsadeen degaano dhawr ah.

Degaanada Ciidamadu qabsadeen waxaa kamid ah ; Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose sida ay sheegtay SONNA.

Balse ma jirto cid ka madax-bannaan dowladda iyo Al-shabaab oo si rasmiya u xaqiisay khasaaraha kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale sheegashada la xiriirta in degaannadaas ay qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this