Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Soomaali Ah Oo Weli Ku Xayiran Dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wuhan)-Weli waxaa sii kordhaya tirada dadka u dhimanaya xanuunka Corona Virus oo faro-ba’an ku haya dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan.

cor-1.jpg

Ilaa haatan waxaa Shiinuhu ay sheegeen inay ku dhinteen ku dhowaad 1900 qof sida ay sheegeen hay’adaha warbaahinta,

Tirada guud ee dadka cudurkan ugu dhintay dalka Shiinaha ayaa waxa hadda mareysaa 1,868 qof, halka ay la il-daran yihiin in ka badan 72 kun oo qof.

waxaana weli magaalada ku xayiran arday Soomaali ah , Waxaana hakad galay ganacsiga ay dadka Soomaalid ahi ka keeni jireen dalka Shiinaha .

Arday badan oo reer Somaliland ah oo wax ka baranaayey dalka Shiinaha ayaa dalka dib ugusoo noqday iyada oo qaar ka mid ah ay imaadeen ka hor baadhitaanka ay laamaha caafimaadku ka bilaabeen goobaha dalka lagasoo galo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this