Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar xoogan oo saaka ka dhacay degmada Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Qoryooley.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo la sheegay in lagu burburiyey buundada degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalyahannadii weerarka qaaday.

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan iyo dagaalka ka horreeyey intaba.

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo ka warbixiyey weerarkaasi ayaa sheegay in la fashiliyey, islamarkaana ciidanku ay ka hortageen.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay dileen ciidamadu illaa saddex ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa hadda yara degan, waxaana degmada Qoryooley weli gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this