Deeq A. Posted February 19, 2020 Nabadoon Idiris Xasan Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Beled-Xaawo ayaa walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobolka Gedo. Idris oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidamo aad u badan la geeyey degmooyinka gobolka, kuwaas oo ka kala socda dowladda iyo Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiisadaha u dhexeeya ciidamadaasi ay sababi karaan inuu dagaal dhexmaro labada dhinac. Ugu dambeyn Nabadoon Idiris Xasan Nuur ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisada, islamarkaana laga wada shaqeeyo xasiloonida gobolka. Halkaan hoose ka dhageysi codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Jaamac-1-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites