Deeq A. Posted February 19, 2020 Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in 8 Milyan oo dollar ay ugu deeqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, si wax looga qabto saameynta uu anyaxa uu ku yeeshay. Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo deeqdaasi yaboohay taaladadii ayaa sheegay in lacagahaasi ay si gaar ugu talagaleen Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya. “Mareykanka wuxuu 8 Milyan oo dollar ku taagerayaa howgalada iska caabinta anyaxa ee wadamada Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa. Kaalmada Mareykanka ayaa ku soo beegmeysa,iyadoo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ay ka digtay in anyaxa uu saameyn doono dalaga dalal hor leh oo ka tirsan Geeska Africa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites