Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $8 Milyan ugu deeqay Somalia & dalal kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in 8 Milyan oo dollar ay ugu deeqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, si wax looga qabto saameynta uu anyaxa uu ku yeeshay.

Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo deeqdaasi yaboohay taaladadii ayaa sheegay in lacagahaasi ay si gaar ugu talagaleen Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya.

“Mareykanka wuxuu 8 Milyan oo dollar ku taagerayaa howgalada iska caabinta anyaxa ee wadamada Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa.

Kaalmada Mareykanka ayaa ku soo beegmeysa,iyadoo hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ay ka digtay in anyaxa uu saameyn doono dalaga dalal hor leh oo ka tirsan Geeska Africa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this