Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubaland oo dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo degaanka Qooqaani oo qiyaastii 150km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubaland.

Cutub Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo  kuna sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galay malayshiyaadkaas kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani.

Dagaalkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale 2 askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubaland kuwaasi oo gaarigii ay saarnaayeen miino la kacday halka 2 askari oo kalena ka dhaawacmeen Jubaland.

Ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa la soo sheegaya in dagaalkaas kadib ay halkaasi ka saareen malayshiyaadkii jidgooyada dhigtay islamarkaana socdaalkoodi sii wateen.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Jubaland oo dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this