Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo hakisay Shaqada Shirkadaha XAJKA IYO CUMRADA

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa si rasmiya shaqada uga hakisay dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland dowladda Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa lagu hakiyay shaqada dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.

Wasiirka ayaa ku amray Shirkadaasi, in ay mudda 7 cisha gudahooda oo ka bilaabata maanta, ay ku yimaadan xarunta Wasaaradda, si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shirkaddii u hoggaansami wayda amarkaasi.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka

Isdiwangelinta-shirkadaha-xajka-iyo-Cumr

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo hakisay Shaqada Shirkadaha XAJKA IYO CUMRADA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this