Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka fuliyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ka sameeyeen agagaarka degmada Qoryooley, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda, gaar ahaan tan ciidamada ayaa sheegay in howlgalladan ay ku qabsadeen deegaanada Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xera koowaad & Xera labaad oo hoostaga Qoryooley.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu iska hor imaadyo kooban ay kala kulmeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo muddo ka talinayey halkaasi.

Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalladaasi oo goos goos ahaa ka soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana haatan ciidanka dowladda ay isku sii ballaarinayaan duleedka degmada Qoryooley, si dib loogu durjiyo Al-Shabaab.

Inta badan dagaalyahannada mintidiinta ahi oo ku xoogan Sh/Hoose ayaa weeraro ku qaaday saldhigyada ciidanka dowladda ee gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this