Deeq A. Posted February 18, 2020 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites