Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidan badan geysay Gaalkacyo xilli ay ka digtay ‘qorshe ay waddo’ DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa Puntland lagu arkay waqooyiga degmadaasi.

Ciidamadaan oo lagu soo daadiyey jidadka magaalada, gaar ahaan xaafadda Garsoor ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo baaritaano ah ka bilaabay halkaasi.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay su’aalo dheeraad ah weydiinayaan dadka ay ka shakiyaan, si loo hubiyo.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo oo marar qaar ay ka dhacaan falal amaan darri.

Xalay ayey aheyd markii mas’uul ka tirsanaa maamulka Gaalkacyo lagu dilay xaafadda Garsoor oo waqooyiga ku taalla, kaas oo ay toogashadiisu sheegatay Al-Shabaab.

Dhaq dhaqaaqyada ay haatan Puntland bilowday ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkaasi, Mudane Axmed Muuse Nuur uu ka digay qorshe ay waddo dowladda federaalka, oo sida uu sheegay, ay ciidamo ugu daabuleyso qeybo kamid ah Gobolka Mudug.

Guddoomiye Axmed, ayaa sheegay in bisha Sedexaad ee sanadkaan ay Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ciidamo geyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug si ay u qabsato guud ahaan Gobolka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay Dowladda Soomaaliya qorshahaas ugu magac dartay Xoraynta Gobolka Mudug isla markaasna ay ujeedada tahay sidii loogala wareegi lahaa Maamulka Puntland qeybaha ay ka maamusho Gobolkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this