Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo dhaq dhaqaaqyo ka wada gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallaan milatari ayaa yimid, kadib markii xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ku taalla xaafadda horseed ee magaaladaasi.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab.

Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this