Deeq A. Posted February 18, 2020 Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallaan milatari ayaa yimid, kadib markii xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ku taalla xaafadda horseed ee magaaladaasi. Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites