Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland, oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bisha soo socota ee March 2020-ka.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, halka guddoomiye ku xigeenkuna yahay wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabilay).

Guddiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, la taliye madaxweyne iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Puntland, ayaa u xil saran qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha  wada-tashiga Puntland oo uu horay u iclaamiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa lagu casumay dhammaan  Golayaasha dowladda Puntland, Wakiillada ku matala dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado mustaqbalka dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta dalka.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin

PUNTLAND POST

The post Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this