Deeq A. Posted February 18, 2020 Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa maamulkaasi saacadihii la soo dhaafay lagu soo daadiyey xaafadda Garsoor ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inno sheegay in ciidamadu baaritaano xoogan ay ka bilaabeen halkaasi, iyaga oo dadka ay ka shakiyaan weydiinaya su’aallo dheeraad ah. Howlgalladan ayaa ka soo aadaya, iyadoo xalay mas’uul ka tirsanaa maamulka Gaalkacyo lagu dilay waqooyiga magaaladaasi, iyadoo raggii toogtay ay baxsadeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites