Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur: NISA waxa ay noqotay sida Breaking News-ka TV-yada iyo raadiyeyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa dhaliilay hoggaanka taliska nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, isaga oo ku eedeeyey inay weeciyeen shaqadii hay’addasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyey telefishinka caalamiga ah ee Universal ayaa sheegay NISA ay isku bedashay hay’ad warbaahin oo kale, islamarkaana ay tabineyso wararka deg-dega ah ee Breaking News-ka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay keentay aqoon darro heysato mas’uuliyiinta maamula taliska nabad sugida.

“Hay’adda Nabadsugida waxay iska noqotay sida Breakin News-ka telefishinada iyo raadiyayaasha, ayada iyo Universal kalama garaneyo, Hay’adda nabadsugida waxaa lagu soo qorayaa mahad Karate ayaa Shabaab ka baxay hebel waa la bedelay sidii aad u maleysay wararka degdeg ee idaacadaha, waxaas waa qaran ku dheel, waa aqoon darro waa jahli dadka hay’addaas maamulaya heysta”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur.

Siyaasigaan oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay in aysan aheyn NISA inay dad soo xirto, islamarkaana shaqadeedu ay tahay kaliya inay ilaaliso amniga qaranka.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dadka shaqeeya hay’addan aysan aqoon durugsan u laheyn howsha shaqo ee loo igmaday, islamarkaana loo baahan yahay in la keeno dad leh aqoon, karti iyo waayo aragnimoku filan.

“Hay’adda Nabadsugida waxay u taagan tahay ilaalinta Amniga qaranka Soomaaliya, ma ahan inay dad xirto ama dad ay daba gasho waxay u taagan tahay amniga qowmiga ah, marka waxaa ka garan kartaa dadka lagu aaminayo hay’adihii waa weynaa tabartooda intey la egtahay waa in dadka aqoonta leh, kartida leh ee waayo aragnimada leh la keensan karo”ayuu mar kale yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe NISA ay bilowday inay boggeeda Twitter-ka ay ku baahiyso arrimaha ka dhex jira hoggaanka Al-Shabaab, sida khilaaf soo kala dhex galay iyo arrimo maamul oo la xariira kooxdaas oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this