Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee Beled-Xaawo iyo ciidamo hor leh oo la geeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo hor leh laga dajiyey degmada Beled-Xaawo oo laga dareemayo dhaq dhaqaaq u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa milatariga, gaar ahaan taliska Gorgor ayaa barqanimadii maanta diyaarad looga qaaday garoonka Muqdisho, taas oo ka dajisay Beled-Xaawo.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda ee horay ugu sugnaa gobolka ayaa askartan oo aan tiradooda la shaacin ku soo dhoweeyey halkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan sugida amniga degmooyinka ay dhowaan la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ay u dhameystiran yihiin qalabkooda milatari iyo gaadiidka intaba.

Sida aan xogta ku helnay ciidamadan ayaa ku biiriya kuwa dowladda ee dhaq dhaqaaqyada ka wada duleedka Beled-Xaawo oo ay isku hor fadhiyaan kuwa Jubbaland.

Xiisada dowladda iyo Jubbaland ee ka taagan Gedo ayaa maalmihii dambe sii xoogeysaneysay, waxaana ciidamo uu hogaaminayo wasiir Cabdirashiid Janan ay abaabul xoogan ka wadaan xadka gobolka Gedo uu la wadaago kan Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this