Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo gacanta ku dhigtay gaadiid loo soo waday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay gawaari kala duwan oo loo soo waday Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika dhaca.

Kenya ayaa sheegtay in gaadiidkaas si sharci darro ah loogu gudbin rabay wadamada Soomaaliya, Burundi, Sudaanta Koonfureed, Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la wareegeyo baabuurtani oo ay ku jiraan kuwa casri ah.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in la xiray 37 qof oo ku lug lahaa gaadiidkaan, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga.

Si kastaba ha’ahaatee Kenya ayaa horay ay ula wareegtay gawaari ay saarnaayen badeecooyin kala duwan oo loo soo waday gudaha Soomaaliya, kadibna burburisay.

Arrintaan ayaa sidoo kale haatan ku soo aadeysa, iyadoo uu jiro mad madow u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku haya arrimo la xariirka kiiska Badda ee ICJ.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this