Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Wadajir oo amni darro darteed xilka looga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdiso (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyey taliyihii saldhigga Wadajir, Cabdi-baasid Maxamuud Cagey oo in muddo ahaa taliyaha Booliska degmadaasi.

Wareegto ka soo baxay xafiiska taliye Xijaar ayaa sidoo kale xilkaasi inuu qabto loogu magacaabay Siciid Cali Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta xil ka looga qaaday Cabdi-baasid ayaa la xariirta amni darro ka soo cusboonaatay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale xilka qaadistiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay degmadaasi laga tuuray tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa saraakiil ka tirsan Booliska ku sheegeen inay tahay mid lagu dardar galinayo sugida amniga caasimada oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda amniga gudaha ayaa dhowaan sheegtay inay wado qorshe lagu xaqiijinayo amniga, lagulana xisaabtamayo saraakiisha wax ka qababan waaya nabad gelyada degmooyinka ay ka howlgalaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this