Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo aqbashay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu aqbalay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo ka bixiyay Xasuuqii Taliskii Jaalle Siyaad u gaystay gobollada Waqooyi Galbeed ee hadda la baxay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeedinayay Baarlamanka maamulkaasi ayaa sheegay in isaga ay arrin kedis ah ku ahayd Raalli-gelinta madaxweyne Farmaajo balse uu u arko mid loo qaaday dhinaca Nabadda iyo Iskaashiga islamarkaana uu ka guddoomay Raalli-gelintaas.

Laakiin madaxweyne Biixi waxa uu xusay in aysan is qaban Karin Raalli-gelinta Farmaajo iyo haddana in uu yiraahdo waxaa socdaal ku tegayaa Hargeysaa taasina ay tahay wax aan la aqbali Karin.

Farmaajo,waa ninkii u horreeyey horta,runtii waa arrin kedis igu hayd, raalligelintaasina waa mid loo qaaday dhinaca nabadda iyo iskaashiga, waa soodhaweynayaa, waan guddoomay, lakin isma qabato raalligelinta iyo Hargeysa ayuu imanayaa” ayuu yiri Biixi.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo aqbashay Raalli-gelintii madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this