Deeq A. Posted February 18, 2020 Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda degmada Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfuta Soomaaliya. Socdaalkan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, kuwaas oo safar dhulka ah ku gaari doono magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ujeeda socdaalka, Axmed Madoobe uu la xariiro kulamo uu la qaadan doono saraakiisha Jubbaland ee ka howlgala Dhoobley, isaga oo kala hadli doono dhaq dhaqaaqyada ciidan ee haatan ka socda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynuhu saraakiisha ciidanka uu kala arrinsan doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Ammaanka ayaa sidoo kale loo adkeey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo qeybo ka mid ah Dhoobley, kuwaas oo sugaya amniga madaxweynaha iyo wafdigiisa. Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul ka dhan ah dowladda federaalka oo dhowaan ciidamo badan geysay gobolka Gedo ee maamulkaasi. Arrintaan ayaa saare u sii qaaday khilaafka siyaasadeed ee labadan dhinac, kaas oo soo bilowday, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe loogu doortay hoggaanka Jubbaland. Share this post Link to post Share on other sites