Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo maanta Khudbad ka jeedinaya Baarlamanka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse  Biixi Cabdi ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka horjeediyo Barlamaanka maamulkaasi, Khudbaddaas oo uu kaga  hadlayo arrima kala duwan.

Khudbad-sannadeedkiisa ayuu ka horjeedin doonaa Baarlamaanka Soomaaliland madaxweyne Biixi, waxaana  la filayaa in Madaxweynuhu Golayaasha uga warramo qorshayaashiisa wax-qabad ee sannadkan, waxyaabaha u qabsoomay  Xukuumaddiisa , Safarkii uu Itoobiya  kaga soo laabtay toddobaadkii hore iyo kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula qaatay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa khudbadiisa waxaa uu kaga hadli doonaa Arimaha doorashooyinka , amniga iyo arimo kale.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biixi oo maanta Khudbad ka jeedinaya Baarlamanka Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this