Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab oo weerar ku qaaday magaaladaasi.

Wasiirka amniga HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ka warbixiyey dagaalka ayaa sheegay inuu ka dhacay barkoontarool oo ku taalla xaafadda Horseed.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dagaalkaas uu uga dhaawacmay hal askari, isaga oo intaasi ku daray inay hortageen weerarka uga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”. wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka degan tahay, islamarkaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this