Sign in to follow this  
Deeq A.

Africom oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday dagaalka uu kula jiro Al-Shababa, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this