Deeq A. Posted February 18, 2020 Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka HirShabelle ayaa faah faahin ka bixisay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Wasiirka wasaaradaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda horseed ee magaaladaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ku taalla halkaasi, taas oo uu xusay in lagala socda dhaq dhaqaaqa dadka soo galaya Jowhar. Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ciidanka amniga ay ka hortageen weerarka, islamarkaana uu uga dhaawacmay kaliya hal askari. “Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”. wasiirka amniga ee maamulka HirShabelle. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamadu howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku fuliya deegaanada HirShabelle, kuwaas oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi. Share this post Link to post Share on other sites