Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Cawad.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Cawad, ayaa nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Dr. Mamunur Rahman Malik oo ah Ergayga cusub ee Hay’adda WHO ugu xil saaran Arrimaha Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday, waxa ay labada dhinac kawada hadleen Iskaashi wadaagga, Wax ka qabashada Baahida dhanka Caafimaadka iyo Isbitaalada ku yaalla Soomaaliya sidii ay gacan u siin lahayd Hay’adda WHO.

Sidoo kale, waxa ay isla garteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobe u qaabilsan, sidii loo sameyn lahaa wacyi-gelin loogu talagalay adeegyada Caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Cawad oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this