Sign in to follow this  
Deeq A.

Toogasho ka dhacday waqoyga magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho caawa ka dhacday magaaladda Gaalkacyo, qeybta ay maamusho Puntland.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in la beegsaday nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Nuur (Gees diir).

Geesi diir ayaa kamid ahaa nabadoonada magaaladda iyo mid kamid ah xubnaha aad ugu dhow maamulka halkaas ka jira.

Wararka ayaa sheegaya in Gees-diir uu u dhintay dhaawac kasoo gaarey rasaasta ay ku dileen kooxaha hubeysan oo baxsaday.

 

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor, sidda ay Shabelle u sheegeen goobjoogeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah Ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo sameeyey howlgallo baaritaano ah,kaas oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkaas,iyaga oo sheegay in uu xiriir la lahaa Ciidamada PSF-ta Puntland,waxaana weli dilkaasi ka hadlin Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this