Sign in to follow this  
Deeq A.

WHO oo wakiil cusub u soo magacaabatay Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka cusub ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik, oo warqadihiisa aqoonsiga wakiilnimo ku wareejiyay Wasiirka, isagoo ah wakiilka hey’adda ee ka howlgalaya dalka.

Kulanka qaabilaadda intii lagu guda-jiray, ayaa waxaa lagaga wadahadlay iskaashi wadaagga iyo wax ka qabashada baahida dhanka caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla Soomaaliya , iyadoo la dejinayo barnaamijyo ka hortag iyo wacyigelin oo loogu talagalay kuwa bixiya adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah oo taabagelinaya habab si wadajir ah looga shaqa-galo.

Image may contain: 2 people, suitImage may contain: 3 people, people standing and suit

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this