Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan oo caawa guddoomiye iyo ruux kale dil iyo dhaawac ugu geysatay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, goor dhaw waxaa lagu dilay guddoomiyihii xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo, Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Nuur Gees-diir.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxaa geystay koox bastoolado ku hubeysan, waxayna sidoo kale weerarkaas dhaawac ugu geysteen nin kale oo la socday guddoomiyaha.

Dableyda oo sida la sheegay tiradoodu dhameyd seddax nin oo dhalinyaro ah ayaa madaxa xabado kala dhacday guddoomiye Gees-diir oo goobta ku dhintay, waxayna qeybaha sare ee jirkiisa dhaawac ka gaarsiiyeen nin kale oo la socday, kaas oo dhaawaciisa loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada.

Kooxdii geysatay dilkaas ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana in yar kadib gaaray askar ka tirsan ciidanka isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo bilaabay baaritaano ay ku baacsanayaan qoladii ka dambeysay dilka iyo dhaawaca loo geystay guddoomiyihii xaafadda Garsoor iyo ninka la socday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this